Somaliska

Antisemitism – waagii hore iyo imika

Dadka badankiisu way ogyihiin xasuuqii Naasiyiintu ay xilligii dagaalkii labaad ee adduunka u geysteen Yuhuudda Yurub. Waxa ilaa maanta dhibaato weyn ah dacaayadda iyo nacaybka loo hayo Yuhuudda.

Khuraafaadka ku saabsan shirqoollada Yuhuudda ayaa ku dhex wareegaya internetka, kooxaha xagjirka siyaasada ayaa faafinaaya nacayb iyadoo dalal badan ay korodhay weerarrada lagu hayo Yuhuuddu.

Dacaayadaha (fikradda aan xaqiiqda ahayn) iyo nacaybka yuhuudda waxa lagu magacaabaa antisemitism.

Qoraalladan waxaad wax kaga baran doontaa antisemitism-ka berigii hore, ka maanta, iyo waxaad sameyn karto si aad uga hortagto dacaayadaha iyo nacaybka.


Yuhuudi –  waa maxay micnaheedu?

Sida uu sheegaayo xeerka diinta Yuhuuddu, ayaa qofku Yuhuudi uu yahay markay hooyadii Yuhuuddiyad tahay ama marka uu qofku qaatay (isku bedelay) diinta Yuhuudda. Laakiin aqoonsiga Yuhuudi ahaanta ayaa dadka kala duwan qofba macno gaar ah u sameynaysa. Dadka qaarkood waxay u tahay aqoonsi diin ahaaneed, dad kalena waxa u tahay mid diin iyo dhaqan ahaaneed, kuwo kalena waxay kaliya u tahay aqoonsi dhaqan ama qaran ahaaneed.

Waxay Yuhuuddii ugu horreysay ku noolaayeen meesha maanta ay Israa’iil iyo Falastiin ku yaallaan. Dadka Yuhuudda ah ee laga tirada badan yahay waxay Yurub ku noolaayeen in 2000 oo sano ka badan iyadoo ay Iswiidhan joogeen illaa dhammaadkii 1700-kii. Waxa maanta Iswiidhan ku nool ku dhowaad 20 000 oo Yuhuud ah.


Taariikh dheer oo dabagal/dhibaatayn

Waxa Yurub gudaheeda boqolaal sano Yuhuudda lagu sameyn jiray takoor iyo dabagal ama dhibaatayn.

Kaniisadda Kiristanku waxay Yuhuudda ku eedaysay inay Ciise dileen. Xilligii lagu jiray qarniyadii dhexe ayaa la faafiyay been odhanaysa inay Yuhuuddu carruurta Kiristanka ah disho markay diin ahaan cibaadeysanayaan, ay ceelasha sumeeyaan oo ay iyagu ka danbeeyeen cudurka aafada ah ee daacuunka.

Meelo badan ayaa eedeymuhu keeneen xasuuq iyo caydhinta lagu sameeyey Yuhuudda.


Khuraafaadka xilligan casriga ah

Antisemitism waxa uu qeyb weyn ahaan ku salaysan yahay dacaayado aan sal lahayn iyo khuraafaad taariikh ahaan la iskugu gudbiyo oo laguna dabaqo xaaladaha iyo duruufaha siyaasadeed ee cusub.

Intii lagu jiray sannadadii 1800 iyo 1900-kii, waxa antisemitismen saameyn ku yeeshay wadaninimada iyo cunsuriyadda. Waxa Yuhuudda lagu sifeeyay ummad ajnabi ah khatar ah ama ”qowmiyad” aan sal ku laheyn dalalka Yurub.

Waxa xilligan la faafiyay khuraafaad sheegaya inay Yuhuuddu waddo shirqool qarsoodi ah oo ay isku dayeyso inay adduunka oo dhan qabsato. Naasiyiintii Jarmalka ayaa isticmaalay dhamaan eedeymahaas si ay qiil ugu yeelaan dabagalka/dhibaataynta Yuhuudda.

Illaa iyo dagaalkii labaad ee adduunka ayuu antisemitismen ahaa mid dalal badan oo Yurub ah ku baahsan. Xitaa Iswiidhan ayaa dacaayadaha aan salka lahayn ee laga qabo Yuhuuddu ay wax caadi ah ahayd. Laakiin waxa sidoo kale jiray dad badan oo beenta iska arkaayey oo la dagaalamay nacaybka.


Antisemitism-
ka maanta

Maanta ayaa antisemitismen uu markale yahay dhibaato weyn. Waxa si ka cad looga arkaa Iswiidhan, Yurub iyo Mareykanka, isagoo ku baahsan Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Fikradda aan salka lahayn iyo nacaybka loo qabo Yuhuuddu waxay ku iman kartaa xaalado badan oo kala duwan, tusaale ahaan dugsiga iyo internetka. Nacaybka ugu weyn ee antisemitismen ayaa laga helaa kooxaha garabka midig ee xagjirka ah iyo kooxaha islaamiyiinta ah ee xagjirka ah.

Antisemitismen-ka maanta la faafiyo waxa qaybtiisa ugu weyni leedahay xididdo taariikhi ah. Taasi waxay tusaale ahaan khuseysaa dacaayadaha ah in Yuhuuddu yihiin tujaar, bakhayliin ah, awood badan leh, iyo sidoo kale sawirrada Yuhuudda u tusaaya/ku muujinaaya qof hanjabaya oo sanku qalooco oo gadaal wax ka maamulaaya.


Aragtiyaha khuraafaadka (Konspirationsteorier)

Khuraafaadka ku saabsan inay Yuhuuddu shirqoolka adduunka ku wado ayaa xitaa maanta udub dhexaad u ah dacaayadaha Yuhuudda ka dhanka ah. Hadallada sheegaya inay Yuhuuddu awood weyn ku leeyihiin siyaasadda, bangiyada iyo warbaahinta, oo ay si qarsoodi ah u xukumaan wax badan oo adduunka ka dhaca, ayaa ah wax iska caadi ah.

Fikradaha noocaas oo kale ah ayaa sidoo kale ka danbeeya hadallada sheegaaya inuu Förintelsen yahay ”been” ay Yuhuuddu sameysay si ay dhaqaale ahaan ugu faa’iidaan oo ay taageero ugu hesho Israa’iil.


Erey koodh ah/sir ah

Maadaama oo nacayb toos loo muujiyo iyo cunsurinimadu ay waddamada qaarkood wax aan la aqbali karin ka tahay oo xitaa ciqaab lagu muteysan karo, ayaa la isticmaalaa ereyo koodh (qarsoodi) ah. Erayada koodhka/sirta ah ee caadi ahaan loo isticmaalo borobogaandada Yuhuudda ka dhanka ee antisemitiska ah waa ”Sahyuuniyadda”, ”globalister”, ”Rothschild” iyo ”kulturmarxister”. Mararka qaar ayaa xitaa ereyada sida ”Illuminati” iyo (”New World Order”) loo isticmaali karaa sidan oo kale.


Antisemitism iyo doodda ku saabsan Israa’iil

Dhalleeceynta loo soo jeediyo siyaasadaha Israa’iil ma aha antisemitism, laakiin waxa mararka qaarkood soo gala cuqdad iyo nacayb Yuhuudda loo qabo marka Israa’iil laga doodaayo. Waxa ay taasi dhacdaa marka tusaale ahaan Yuhuudda degan meelaha Israa’iil ka baxsan la weeraro ee laga dhigo inay masuul ka yihiin siyaasadda Israa’iil, ama marka dhalleeceynta Israa’iil loo adeegsado sawirro ama hadalo sheegaaya wax antisemitiska ah.


Muxuu antisemitism-ku horseedayaa?

Antisemitism waxa uu qarniyada taariikhda sababay takoor iyo dabagal/dhibaateyn. Tusaalaha ugu daran waa xasuuqii ummadeed ee Naasiyiinta Jarmalku ku kaceen kaas oo lagu laayey ku dhowaad lix milyan oo Yuhuud ah.

Xitaa antisemitism-ka maanta jiraa waxa uu cawaaqib xumo u leeyahay Yuhuudda. Waxa uu keenayaa dambiyada nacaybka iyo rabshado, waxaanu ku abuurayaa amni darro iyo cabsi dadka laga tirada badan yahay ee Yuhuudda.

Laakiin antisemitism-ku sidoo kale cawaaqib xum u leh qofka aaminsan fikrad aan sal lahayn. Qofka aaminsan in shirqoollo qarsoodi ah ay Yuhuuddu ku xukumaan, siyaasadda, dhaqaalaha iyo warbaahinta ayaan fahansanayn sida dunidu u shaqeyso. Markaas ayaanu qofku waxa dhacaya iyo waxa socda u falanqeyn Karin si macquul ah, oonu markaana qofkaasi awoodi karin inuu ficil saliim ah ku dhaqaaqo.


Maxaad sameyn kartaa?

Maxaad sameyn kartaa si aad ugu hortagto dacaayadda aan salka lahayn iyo nacaybka Yuhuudda?

Wax ka baro antisemitism. Macluumaad dheeraad ah ka baro waxyaabaha ku saabsan taariikhda iyo sababaha antisemitism-ka. Halkan ka akhri qoraallada ”Anti Antisemitism – då och nu”. Waa maxay dacaayadaha aan salka lahayn iyo aragtiyaha been abuurka ah ee liddiga ku ah Yuhuuddu? Muxuu taariikh ahaan nacaybka Yuhuuddu horseeday, maxaase ay cawaaqib xumo taasi maanta leedahay?

Ka hadal marka uu qof faafinaayo nacaybka iyo quraafaadka ku saabsan Yuhuudda. U sharax inay weedhahaasi been yihiin oo ay khatar ku yihiin Yuhuudda iyo bulshada dimoqraadiga ahba.

Iska diid nooc kasta oo dacaayadaha aan salka lahayn iyo cunsuriyadda ah. In cunsuriyadda lagula kacaayo koox dadka ka mid ah laga soo horjeesto, oo haddana ay wax caadi ah kula noqoto in la naco koox kale oo dad ah ma noqonayso wax sal ku leh ka soo horjeedsiga cusiriyadda. Haddii la aqbalo dacaayadaha aan salka lahayn ee dad laga haysto waxay taasi sii kordhineysaa khatarta in la aqbalo fikradaha xunxun ee laga haysto dad.